Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirro: Ruushka oo Tijaabiyay Gantaal casri ah oo Xambaari kara Nukliyeerka 

Dowlada Ruushka ayaa ku guuleesatay tijaabinta gantaal casri ah oo xambaari kara hubka Nukliyeerka, gantaalkan ayaana kamid ah kuwa ugu casrisan ah ee sameesatay dowlada Ruushka .

Muuqaal laga baahiyay Warbaahinta ayaa muujinaya gantaalkan casriga ah oo laga ridayo diyaarad nuuca dagaalka ah, waxa ayna Dowlada Ruushka sheegtay in tijaabadan noqotay mid guuleesatay.

Gantaalkan oo lagu magacaabo Kinxhal ayaa  ah nuucii ugu dambeeyay uu Ruushku soo saaro, waxaana gantaalkan uu xambaari kara hubka Nukliyeerka , waxa uuna Xawaarihiisa ka badan yahay kuwa jamaqda isaga oo gaari kara masaafo dhan illaa 2,000 km.

Madaxweynaha Rushka ayaa khudbad uu dhawaan jeediyay ku shaaciyay in ay sameesteen gantaalo casri ah oo xambaari kara hubka Nukliyeerka, waxa uuna u shiday dadkii daawanayay Muuqaalka Gantaalo ku hoobanaya gobolka Florida ee dalka Mareykanka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Itoobiya oo xabsi dhigtay Sargaal saameyn badan ku lahaa Siyaasada Somalia

Cabdi Cade

DFS oo wafdi u dirtay Itoobiya kaddib heshiiskii Xasan iyo Abiy

Cabdi Cade

Hogaamiyihii bedeli lahaa Nasrullah oo geeri loo tirinayo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---