Allbanaadir.com
NEWS

Markab ku degay Xeebaha Jabuuti ka dib Gantaal ay la heleen Xuutiyiinta (Sawirro)

Markabka xamuulka qaada ee M/V Verbena oo laga leeyahay Ukraine ayaa lagu warramaya inuu ku deggay xeebaha dalka Jabuuti.

Waxaa laga daad-gureeyay shaqaalihii saarnaa, kaddib markii kooxda Xuutiyiinta ee Yemen ay markabkan ku dhufteen labo gantaal oo Ballistic ah, iyadoo uu markabkan noqonayo midkii labaad ee burbur xoog leh ay gaarsiiyaan Xuutiyiinta, markii ay sidan oo kale gantaallo ugu dhufteen markabka M/V Tutor oo uu ka babanayo calanka Liberia iyo Giriiga, kaasoo sidoo kale lagu qasbanaaday in laga dejiyo shaqaalihii saarna.

Xuutiyiinta ayaa hadda u muuqda inay sare u qaadeen awoodda gantaaladooda, waxayna ku dhow yihiin tan iyo November, inay isku mar dejiyaan labo markab, taasoo ka dhigaysa tan iyo howlgalladooda markabkii saddexaad oo ay quusinayaan gantaalada Xuutiyiinta.

Sare u kaca khasaaraha ka dhalanaya weerarrada Xuutiyiinta ayaa ku soo aadaya xilli warbixintii u dambeysay ee sirdoonka Mareykanka lagu sheegay weerarrada Xuutiyiinta inay yihiin kuwii ugu sarreeyay oo ka dhaca badda, tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka.

 

Related posts

Iska Hor Imaad Khasaaro dhaliyay oo goordhaw ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Israa’iil oo ugu dambeyn aqbashay heshiiska lagu soo afjarayo dagaalka Gaza

Caydiid Ali

Ra’isul Wasaare Rooble oo goordhay ka dhoofay garoonka Aadan Cadde iyo Ujeedka Socdaalkiisa

Cabdi Cade
Taboola Ads ---