Ciidanka Milatariga oo saakay dagaal kula wareegay deegaanka Bariire

Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa saakay weerar xoogan ku qaaday deegaanka Bariire ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana dagaalka kadib la sheegay in Al Shabaab isaga baxeen deegaankaasi.

Wakaalada wararka u faafisa dowlada Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidanka Milatariga dagaal kula wareegeen deegaanka Bariire oo qiyaastii 30-km u jira degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in saakay aroor hore kusoo tooseen daryanka hub culus oo dhacaya, waxa ayna sheegeen in hada xaalada ay dagan tahay laguna arkayo deegaankaasi ciidamo Milatari ah.

Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa horey deegaankaasi uga saaray Al Shabaab, hasa ahaatee ciidanka ayaa isaga soo baxay deegaankaasi kadib markii Al Shabaab weerar culus oo gaadmo ah kusoo qaadeen ciidanka milatariga askar badan uga dishay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -