Madaxweyne Farmaajo iyo Kheyre oo go’aan la filayay ka gaaray Shirka Garawe

Waxaa beri oo Khamiis ah lagu wadaa in magaalada Garawe ee xarunta Puntland uu ka furmo shir  uu iclaamiyay Madaxweynaha Puntlanad, waxaana shirkan lagu casuumay in ay kasoo qeyb galaan Madaxda dowlada Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa kamid ahaa xubnaha lagu casuumay in shirka ka furmaya magaalada Garawe 2-da May in ay kasoo qeyb galaan .

Farmaajo iyo Kheyre ayaa labadii maalin ee lasoo dhaafay wadatashi balaaran ka lahaa sida ay ka yeelayaan shirkan soo boodada ahaa uu ku casuumay Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Deni kadib safaro uu uga soo laabtay Imaaraadka iyo Kenya.

Sida aan Wararka ku helnay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Kheyre uun ka qanacsaneyn hab maamuuska shirkan loogu casuumay ayaa la sheegay in ay aqbaleen ka qeyb galka shirkan ka furmaya  Garawe kadib wadatashiyo badan ay yeesheen.

Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Garawe gaaraan wasiiro iyo xubno kale oo huru dhac u ah safarka Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha oo la filayo iyana in ay beri gaaraan magaalada Garawe.

Wakiilo katirsan Beesha Caalamka ayaa la sheegay in iyana ka qeyb galayaan shirka ka furmaya magaalada Garawe, waxaana la sheegay in Wakiilada beesha Caalamka madaxda dowlada ku cadaadiyeen ka qeyb galka shirkan.

Shirkan Garawe ka furmaya ayaa looga hadli doonaa xaalada siyaasadeed, mida amniga ee dalka, geeddi socodka doorashooyinka, dhameystirka dastuurka qabyada ah iyo sidii loo xalin lahaa khilaafka wali u dhaxeeya Dowlada Federaalka iyo maamul goboleedyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -