Allbanaadir.com
NEWS

Ra’isul Wasaare Rooble oo la kulmay Wakiilo katirsan Beesha Caalamka (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada federaalka Soomaaliya Mudane Mohamed Hussein Roble ayaa xafiiskiisa kula kulmay qaar ka mid ah Wakiillada Beesha Caalamka ee jooga magaalada Muqdisho.

Rooble ayaana wakiiladan uu la kulmay kala hadlay arrimaha doorashooyinka, diyaar garowga Shirka Golaha Wadatashiga Qaran iyo taageerada beesha caalamka ee geeddi socodka doorashooyin dalka.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaana wakiilada beesha caalamka warbixin ka siiyay halka ay mareyso diyaar garowga shirka arimaha doorashada ee lagu wado in 20-ka bishan ka furmo teendhada Afisiyooni iyo kaalinta beesha caalamka ka geesan karto.

Wakiilada beesha Caalamka ayaa dhankooda Ra’isul Wasaare Rooble u balan qaaday in gacan ka geesanayaan qabsoomida shirka la filayo in uu ka dhaco magaalada Muqdisho si ay uga soo baxaan natiijooyin horseedi kara in ay dhacdo doorasho loo dhan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Somalia oo ansixiyey sharci Muhiim ah

Caydiid Ali

Dowlada Soomaaliya oo dalka ka ceyrisay labo qof oo Reer Galbeed ah (Magacyada)

Caydiid Ali

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada dowlada iyo kuwa Jubbaland oo ka bilowday Balad Xaawo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---