Allbanaadir.com
NEWS

Hogaamiye caan ah oo loo ansixinayo inuu xilka hayo inta noloshiisa ka harsan

Xisbiga Shuuciga ah ee haya talada Shiinaha ayaa lagu wadaa inay maanta ansixiyaan isbadal lagu sameeyo dastuurkaa dalkaasi.

Isbadalkani ayaa u ogolaanaya madaxwayne Xi Jingping in uu xafiiska sii joogo illaa waqti aan la xadidin.

Dadka ka soo horjeeda arrintan ayaa waxa ay ka digeen khatarta ay yeelan karto in meesha laga saaro xaddidaada muddada uu madaxwaynaha xilka hayn karo oo ahayd fikir uu keenay asaasihii kacaanka Shiinaha Deng Xiaoping sanaddii 1982.

Dadka falanqeeya Siyaasada wadanka Shiinaha ayaa sheegay in go’aankani uu qalalaaso horseedi doono.

Codeynta maanta lagu wado in ay sameeyaan golaha congreska xisbiga talada Shiinaha haya ayaa lagu wadaa in aysan wax caqabad ah kala kulmi doonin ansixinta isbadal lagu sameeyo dastuurka dalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladaha Somalia & Norwey oo War-Saxaafadeed wadajir ah soo saaray (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Meydad laga helay jid ku yaalla Nottingham iyo nin 31 jir ah oo loo xiray (Sawirro)

Caydiid Ali

Wariyaal galay guri uu Sangapore ka degan yahay Safiirka Kuuriyada Waqooyi oo la xiray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---