Wararkii ugu dambeeyey Madaafiic dhimasho sababay oo lagu weeraray Magaalada Marko

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan tiro madaafiic ah oo maanta lagu weeraray Magaalada Marko ee gobolka Sh/hoose wax yar ka hor inta uusan halkaas ka soo ambabaxin Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta saacado kooban booqday magaaladaas.

Madaafiicdan oo ay soo rideen xoogaga Al-shabaab ayaa la sheegay in qaar ka mid ah ay ku habsadeen xaafado ku yaalla magaalada Marko, waxaana ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Khal-khal xooggan iyo kala carar ayaa ka jiray magaalada intii ay socdeen madaafiicdan oo sida loo badinayo loola dan lahaa in lagu carqaladeeyo booqashada RW Khayre.

Ugu yaraan haween ah ayaa ku dhintay duqeyntan, halka saddex kalena ay ku dhaawacmeen sida ay sheegeen goob joogayal ku sugan Magaalada Marko.

Wafdi uu hogaaminayo Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa maanta booqasho saacado qaadatay ku tegay Magaalada Marko halkaasoo uu kula hadlay shacab  boqolaal gaaraya, isagoo isla galabta ku soo laabtay magaalada Muqdisho oo uu ka maqnaa muddo labo todobaad ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -