Wiil uu dhalay Shiikh Xassan Daahir Aweys oo la sheegay in duqeyn lagu dilay

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in wiil uu dhalay Shiikh Xassan Daahir Aweys uu ku dhintay duqeyn xalay ka dhacday gobolka Sh/hoose

Dr. Ibraahin Shiikh Xassan oo uu dhalay Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa lagu diley duqeyn loo maleynayo iney fuliyeen dayuuradaha aan duuliyaha laheyn ee Mareykanka

Ibraahim ayaa horey uga baxay jaamacad ku taalla magaalada Muqdisho oo uu ka bartay Culuunta dhaqtarnimada, wuxuuna gobolka Sh/hoose ku lahaa beer.

Weli faahfaahin buuxda lagama hayo qaabka ay duqeynta u dhacday iyo sababta keentay intaba, waxaana tacsida wiilka so weyn looga hadal hayaa baraha bulshada.

Shiikh Xassan Daahir Aweys oo ka tirsanaa Al-shabaab ayaa sanado badan ah maxbuus xabsi guri ugu jira dowlada Soomaaliya ayaan weli ka hadlay geerida la sheegay iney ku timid wiilkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -