Allbanaadir.com
JUBALANDNEWS

Weerar Khasaaro geestay oo lagu qaaday Guri uu degnaa Sargaal ciidan

Wararka ka imaanaya degmada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in xalay weerar bambaano lagu qaaday guri uu degnaa sargaal katirsan ciidanka maamulka Jubbaland.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in koox aan la aqoonsan xalay bambaano ku tuureen guriga uu degmada Dhoobley ka deegnaa sargaalkan katirsanaa ciidanka Maamulka Jubbaland .

Hal askari oo katirsanaa ilaalada sargaalka ayaa la sheegay in uu ku dhintay qaraxan bambaano, waxaa sidoo kale qaraxa uu dhaawac kasoo gaaray sargaalka la weeraray iyo shan askari oo kale.

Ciidamada maamulka Jubbaland ayaa saakay la sheegay in ay howlgalo baaritaano ah ka wadaan qeybo kamid ah degmada Dhoobley iyaga oo baadi goob ugu jira dadkii ka danbeeyay qaraxa bambaano.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin gubay qabri ay ku aasneed Sodohdiis iyo Sababta keentay oo la ogaaday !!

Cabdi Cade

Ciidanka Israel oo ka baxay marinka kala qeybiya Gaza

Caydiid Ali

Saylici oo Booqasho aan la fileyn ku tagay Deegaanka Tukaraq (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---