Allbanaadir.com
NEWS

Saylici oo Booqasho aan la fileyn ku tagay Deegaanka Tukaraq (Daawo Sawirada)

Madaxweyne ku xigeenka maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdullaahi Ismaaciil Saylici ay wehliyaan Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland iyo Taliyaha ciidanka Somaliland iyi Saraakiil kale  ayaa maanta booqasho aan la fileyn ku tagay deegaanka Tukaraq .

Saylici iyo xubnaha la socda ayaa kormeeray qeybo kamid ah deegaanka Tukaraq gaar ahaan fariisimaha deegaankaasi ka sameesteen ciidamada maamulka Somaliland oo dhawaan dagaal ku qabsaday deegaankaasi.

Deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa dhawaan ciidamada maamulka Somaliland waxa ay dagaal uga saareen ciidamada maamulka Puntland oo horey deegaankaasi u maamuli jiray.

Ciidamada maamulka Somaliland iyo Puntland ayaa wali isku hor fadhiya deegaano ku dhaw Tukaraq, waxaana labada ciidan halkaasi ka wadaan dhaq dhaqaqayo ciidan oo aad loo dareemayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Kulan Muhiim ah oo ka dhacay Xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya (Sawirro)

Cabdi Cade

Ra’isul Wasaare Rooble oo Daah-furay imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga sare (Sawirro)

Cabdi Cade

Kenya oo shaacisay iney wafdi culus u direyso caleemo saarka Axmed Madoobe

Caydiid Ali
Taboola Ads ---