Abubakar Al-Baqdadi oo sanado ka dib soo diray fariin Maqal iyo Muuqaal ah

Hogaamiyaha Kooxda Daacish Abubakar Al-Baqdadi ayaa ku goodiyay inay ka aargoosan doonaan ka gadaal markii dib looga saaray dhammaan dhulkii ay ka haysteen wadamada Ciraaq iyo Siiriya.

Al-Baqdadi oo magaciisa rasmiga ah uu yahay Ibrahim Awad Ibrahim Ali Al-Badri ayaan la arkin muuqiisa illaa bishii Julay ee sanadkii 2014, waxaana uu imika soo diray muuqaal 18 daqiiqo soconaya oo laga sii daayay warbaahinta afkooda ku hadasha al-Furqan Media network.

Waxaa uu kaga hadlay Videogan guuldaradii kooxdiisu kala kulantay degaanka Baghuz oo ahayd goobtii ugu dambaysay ee ay kaga sugnaayeen wadanka Ciraaq.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay Qaraxyadii lagu laayayay boqolaal qof ee u dabaaldegayay ciidada Easterka ee Masiixiga ee wadanka Srilanka iyo dagaalo kooxdiisu ka wadaan wadamada Mali iyo Burkino Faso ee qaarada Afrika.

Dagaalkii Baghus waa uu dhamaaday, laakiin Dagaalo badan ayaa soo socda” ayuu yiri baqdadi oo ciidamada Maraykanku ay marar horey u sheegeen iney dileen balse dib ka beenoobeysay.

Daacish ayaa shan sano ka hor ka talin jirtay dhul aad ballaaran oo ku yaala wadamada Ciraaq iyo Siiriya ka hore inta aan la jebinin, waxaana aad u yar rajada laga qabo iney dib isu soo abaabulaan inkastoo ay weli yihiin  qatar geysan karta qaraxyo lagu hoobto iyo weeraro kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -