Jaamacadda Benaadir oo deeq Waxbarasho siisay Macalimiinta dugsiyada Muqdisho qaarkood

Jaamacadda Benaadir ayaa sanadkii labaad deeq Waxbarasho u fidisay boqol Macalin oo ka tirsan Macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada aasaasiga ah ee ku yaalla Magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Munaasabad lagu daah-furayey deeqdan Waxbarasho ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho taasoo ay ka qeyb galeen masuuliyiin ka tirsan Jaamacada Benaadir, Wakiilo iyo madax ka kala socotay Jimciyadaha iyo daladaha ay ku mideysan yihiin Iskuulada Muqdisho qaarkood, aqoonyahano iyo xubno kale.

Guddoomiyaha Jaamacada Benaadir Dr. Maxamed Max’uud Xasan (Biday) ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sanadkii labaad ku dhawaaqida deeqda Waxbarasho ee ay siiyeen Macalimiinta Iskuulada Muqdisho qaarkood, isagoo ku dheeraaday sababaha keenay go’aankan ay Jaamacadu qaadatay.

“Jaamacadda Benaadir markii ay aragtay ardayda soo dhameysatay iskuulada sare ee soo galay Jaamacada inaysan qaarkood laheyn tayadii aqooneed ee looga baahnaa taasoo la ogaaday iney sabab u tahay Macalimiinta oo aan heysan tababar ku filan ayaa waxay Jaamacadu go’aansatay iyadoo taas ka duuleysa go’aansatay in deeq Waxbarasho u fidiso illaa boqol Macalin, kuwaasoo wax ka baran doona Kuliyada Waxbarashada Jaamacada Benadir oo muddo dheer jirtay, ayna horey uga aflaxeen macalimiin badan oo kaalin firfircoon kaga jira waxbarashada aasaasiga ah ee dalka” ayuu yiri Dr. Biday oo dhinaca kale sheegay in Jaamacadu mar walba u taagan tahay sidii ay bulshada Soomaaliyeed uga haqabtiri laheyd baahiyaha aqooneed ee taagan xili walba.

Gudoomiyaha Muasasada Tacliinta ee Benaadir Dr. C/raxmaan Dheere oo isna ka hadlay munaasabada ayaa tilmaamay in macalinku yahay barbaariyaha bulshada, haddii aan aqoontiisa la dhisina uusan waajibaadkiisa sidii loo baahnaa u gudan karin, isagoo ku dheeraaday duruufaha adag ee ay ku shaqeeyaan macalimiinta Soomaaliyeed

“Macalinku sidaan la wada soconaba waa barbaariyaha bulshada iyo soo saaraha madaxdii berito, haddii aysan aqoontiisa macalinimo gaarsiisneyn heerkii loo baahnaa ma soo saari karo arday tayadooda aqooneed aay sareyso sidaas awgeed ayey deeqaha waxbarasho ee noocan ah muhiim ugu yihiin iney helaan si ay u noqdaan Macalimiin xirfad sare leh” ayuu yiri Dr. C/raxmaan dheere oo ugu baaqay macalimiinta nasiibka u yeeshay fursadan iney sidii loogu talo galay uga faa’ideystaan.

Munaasabadan oo ku dhamaatay jawi aad u wanaagsan ayaa waxaa sidoo kale ereyo kala duwan ka jeediyey Gudoomiye ku-xigeenka dhinaca Maamulka ee Jaamacada Benaadir Dr. C/raxmaan Xasan Cumar iyo Masuuliyiin ka kala socotay Jimciyadaha waxbarashada iyo dugsiyada Magaalada Muqdisho oo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Jimciyada Maka Al-Mukarama C/qaadir Maxamed Xassan, Maamulaha guud ee dugsiyada Hayaan Faarax Diiriye Warsame, Kormeeraha guud ee dugsiyada SYL C/rashiid Shiikh Maxamed (Shaluute) iyo xubno kale oo si diiran u soo dhoweeyey deeqda Waxbarasho ee Jaamacada Benadir u fidisay Macalimiinta, iyagoo ku dheeraaday doorka adag ee Jaamacaddu kaga jirto horumarinta tacliinta sare ee dalka.

Sanadkii hore ayey aheyd markii Jaamacada Benaadir ay sidan oo kale daahfurtay deeq Waxbarasho oo ay fidisay boqol Macalin oo ka tirsan macalimiinta wax ka dhiga dugsiyada gobolka Banaadir, waxaana sidoo kale sanadkan la filayaa in deeqdan waxbarasho ay ka faaideystaan Macalimiin kale oo fara badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -