Madaxweyne Deni oo Garoowe ku qaabilay danjire Mohamed Ibrahim Nasar (Sawirro)

Madaxweynaha Maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xarunta Madxatooyada Puntland ee Garoowe ku Qaabiley wafdi balaaran oo uu hogaaminayo safiirka dalka Masar ee Soomaaliya Ambassador Maxamed Ibraahim Nasar.

Kulanka ka dib, Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey waxyaabihii ay ka wada hadleen safiirka oo uu sheegay inay ugu muhiimsaneyd xiriirka iyo wadashaqeynta dalalka Masar iyo Soomaaliya.

“Safarkan wuxuu ku wajahan yahay sidii loo kobcin lahaa xiriirka ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Masar, gaar ahaan Puntland iyo xiriirka wax wada qabsi ee dhinacyada horumarinta, caafimaadka, waxbarashada, Cadaaladda, kalluumaysiga iyo khayraadka kale ee xoolaha iyo wixii la halmaala, mudo sadex bari ahna dalka way ku sugnaan doonaan ilaa magaalada Boosaaso ayey tegi doonaan”Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Ambassador Maxamed Ibraahim Nasar ayaa dhankiisa ka warbixiyey kulanka muhiim ka ah ee uu la qaatay Madaxweynaha Dowladda Puntland.

“Waxaan ka mahadnaqaynaa qaabilaadda wanaagsan ee aan kala kulanay Madaxweynaha Puntland, waxaan ahay Safiirka Masar ee Soomaaliya, waxaa safarka igu wehelinaayey wafti balaadhan, safarkaygu wuxuu ku salaysnaa xiriirka ganacsi ee Puntland iyo Masar iyo ka caawinta Puntland fursadaha banaan, khaasatan waxbarashada, Caafimaadka iyo Amniga”

“Masar waxay ahmiyad balaadhan siinaysaa xiriirka walaalahooda Soomaaliyeed iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dheexeeya Masar iyo Soomaaliya, gaar ahaan Puntland xiriirkaas oo soo bilaabmay xilligii Faraaciyiinta, intan joogno waxaan kulamo kala duwan la qaadandoonnaa goleyaasha kala duwan ee dowladda, waxaanna safaro ku tegaynaa magaalooyin dhowr ah” Ayuu yiri Ambassador Maxamed Ibraahim Nasar.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -