Maxaa ka jira in Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre aqbalay in uu is casilo ?

Idaacadaha magaalada Muqdisho qaarkood iyo baraha bulshada ayaa saacadihii lasoo dhaafay laga baahinayay war aan la xaqiijin oo sheegaya in Ra’isul Wasaare Kheyre u aqbalay in uu is casilo.

Xiriiro aan la sameenay xubno katirsan Xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha ayaa warkaasi ku tilmaamay mid been abuur ah oon jirin, waxa ayna ilahaasi noo xaqiijiyeen in aysan labada masuul isku soo hadal qaadin is casilaad iyo wax lamid ah.

Madaxweyne Farmaajo iyo R/Wasaare Kheyre ayaa saacadihii lasoo dhaafay kulamo badan yeeshay, waxa ayna inta badan kawada hadlayeen xaalada siyaasadeed ee hada taagan iyo sidii dowlada xal uga gaari laheyd sida ay noo xaqiijiyeen ilo Villa Somalia ku sugan.

Warbaahinta shaacisay in uu aqbalay in uu shaqada ka tago Ra’isul Wasaare Kheyre ayaan oo bandhigin xaqiiqo lagu kalsoonaan karo, waxa ayna kaliya sheegeen in warkaasi u sheegeen xubno ay ku kalsoon yihiin.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaaraha ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay ku dhameestay khilaaf la’aan , mana jirto ilaa hada wax khilaaf ah oo lasoo wariyay in uu ka dhaxeeyo labada masuul.

Siyaasiyiin mucaarad ah oo dhawaan ku shjiray magaalada Nairobi ayaa Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in uu meesha ka saaro Ra’isul Wasaare Kheyre, dalabkaasi ayaana la sheegay in Madaxweynaha uusan kasoo qaadin wax micno leh.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu soo waramayaa in si caadi ah shaqadiisa u wato, mana jiraan saameyn ay wararkan la baahiyay ku yeelatay shaqada xafiiska Ra’isul Wasaare Kheyre.

Shacabka Soomaaliyeed ayaa taageero badan u haya Xukuumada Ra’isul Wasaare Kheyre, waxa ayna ashacabka ku tilmaameen Kheyre in uu yahay halyey usoo baxay umada Soomaaliyeed wax badan oo lama ilaaaan ahna qabtay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -