Mareykanka oo xukun adag ku riday Haweeney xubin firfircoon ka aheyd kooxda Daacish

Haweeney u dhalatay dalka Mareykanka oo qiratay inay hoggaamineysay guuto ka tirsan dagaalyahanada haweenka ah ee ururka la magac baxay dowladda Islaamka ee bariga dhexe ayaa waxaa 20 sano oo xarig ah ku ridday maxkamad ku taalla Mareykanka.

Allison Fluke-Ekren waxay qiratay dambiga ah inay tabbabar militeri siisay in ka badan boqol haween ah iyo gabdho.

Haweeneydan oo 42 sano jir ah waxay horey falal argagixiso uga geysatay dalalka Ciraaq, Suuriya iyo Libya muddo 8 sano ah ay ku sugneyd halkaas.

Dacwad oogayaasha ayaa Fluke-Ekren ku eedeeyay in ay haweenka iyo gabdhaha da’doodu ka yar tahay 10 sano ay u tababartay sida loo isticmaalo hubka tooska ah bambooyinka gacanta laga tuuro iyo suumanka ismiidaaminta ah.

Ka dib markii lagu qabtay Suuriya, Fluke-Ekren waxaa la keenay Mareykanka dabayaaqadii Janaayo si ay u wajahso eedeymo.

Tirada guud ee muwaadiniinta Maraykanka ah ee ku biiray IS wali ma cadda, laakiin cilmi baaris ay samaysay jaamacadda George Washington ayaa sheegtay in ilaa 300 oo qof ay u safreen ama isku dayeen inay u safraan Suuriya ama Ciraaq si ay kooxdaas ugu biiraan.

Dabayaaqadii 2020, mas’uuliyiinta Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in 27 qof dib loo celiyay, oo ay ku jiraan 10 ka mid ah oo lagu eedeeyay dambiyo argagixisanimo

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -