Madaxtooyada oo ka hadashay Wararka sheegaya in R/W Kheyre is casilayo !!

Waxaa saacadihii lasoo dhaafay xoogeestay hadal heynta war ay baahisay Idaacad kutaala magaalada Muqdisho oo sheegtay in Madaxweyne Farmaajo aqbalay in uu shaqada baneeyo Ra’isul Wasaare Kheyre.

Warkan ku aadan in Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Kheyre kawada hadleen is casilaadiisa ayaa qabsaday Warbaahinta iyo baraha bulshada, waxaana warkan durba ka jawaabtay Madaxtooyada Soomaaliya.

Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdi Nuur Maxamed Axmed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebooka ku sheegay in Warkaasi Idaacada baahisay uu yahay mid been abuur.

”Warkani sal iyo raad malaha, waxaana looga fadhiyaa Radio Kulmiye in ay shacabka ka raalli geliyaan been abuurkan baalka marsan dhaqanka suubban iyo hufnaanta xogaha bulshada lala wadaagayo”. ayuu yiri Cabdi Nuur .

Waxa uu sheegay Agaasimaha Warbaahinta Madaxtooyada in muhiim tahay in la helo shuruuc iyo nidaam ay bulshada isla ogoshahay oo lagula xisaabtamo kuwa beenta faafiya iyo kuwa magac dilka lacagta ku hela.

”Warbaahin aan anshax, dheelli-tirnaan iyo hufnaan lahayn waxay bulshada kaga halis badantahay dhakhtar aan aqoon lahayn, waa in la helaa shuruuc iyo nidaam ay bulshada isla ogoshahay oo lagula xisaabtamo kuwa beenta faafiya, kuwa magac dilka lacagta ka sameeya iyo kuwa nacaybka iyo colaadaha huriya, iyada oo aan marnaba gorgortan la galinaynin xuquuqda dastuuriga ee xorriyadda hadalka.” ayuu yiri Agaasime Cabdinuur.

Hadalkan kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xili maanta dadka Soomaaliyeed lagu jahwareeriyay war been abuur ah oo sheegayay in Ra’isul Wasaare Kheyre Aqbalay in shaqada ka tago kadib codsi uga yimid Madaxweynaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -