70 qof lagu xirxiray Muqdisho & Taliska Booliska oo faahfaahin ka bixiyey

Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyey hawlgallo dad looga shakisan yahay Al-shabaab lagu soo qabqabtay oo ay ciidamada amniga Muqdisho ka sameeyeen.

Sareeyo Guuto Zakiya Xuseen Axmed Taliye ku-xigeenka ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo shir jaraa’id ku qabatay magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegtay in howlgal ay ciidamada amniga ka sameeyeen 26-kii bishan ay ku soo qabteen afar ruux oo ku eedeysan Al-Shabaabnimo.

Sidoo kale, Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegtay in Hay’adaha amniga oo kaashanaya shacabka ay gacanta ku soo dhigeen dhagar qabe xogtiisa la hayay oo ka dambeeyay dil loo geystay Guddoomiye waaxeed ka tirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir, kaasoo xilligii la qabanayay ku sugnaa degmada Xamarweyne.

Isla degmada Xamarweyne, howlgal ay ciidamada amnigu ka sameeyeen waxay ku soo qabteen sadeed ruux oo ku eedeysan Al-Shabaab, waxayna soo qabashadooda ka dambeysay ka dib markii Shacabka ay Hay’adaha amniga ku soo wargeliyeen xogtooda.

Sareeye Guuto Zakiye Xuseen Axmed ayaa tilmaantay in howlgal ay xalay saqdii dhexe ciidamada amniga ka sameeyeen degaanka Weedow ee duleedka Muqdisho ku soo qabteen lixdan ruux oo ku eedeysan falal la xiriira Al-Shabaab.

Sidoo kale, Ciidamada amniga ayaa gacanta ku soo dhigay afar ruux oo burcad ah kuwaasoo dhac ka geysanayay degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir.

Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sareeye Guuto Zakiya Xuseen Axmed ayaa mar labaad ka codsaday dadweynaha iney Hay’adaha amniga ku soo wargeliyaan wax kasta oo amniga wax dhimi kara oo ay ka shakiyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -