Gen. Wahid Khafaji & Wafdigii uu horkacayey oo booqday xarumo ku yaalla Muqdisho (Sawirro)

Kaaliyaha Wasiirka GaashAandhigga dalka Masar Generaal Waxiid Ibraahim Khafaji iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo maalmahan booqasho ku joogay Magaalada Muqdisho ayaa Kormeeray Isbitaalka Xoogga Dalka,Kuliyadda Jaalla Siyaad iyo Xarunta ciidamada xoogga dalka ee degaanka Bangalla ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa kormeerkan ku wehliyey Ku-xigeenka ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaal iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka iyo Masar.

Qeybaha kala duwan ee Isbitaalka Ciidanka Xoogga Dalka iyo Xarunta Kuliyadda Jaalla Siyaad ayey Mid mid u kormeereen Wafdigaan ka socday Dalka Masar.

Taliye ku-Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Cabdi Xasan ayaa sheegay in Dowlada Masar ay diyaar u tahay Taakuleenta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Kaaliyaha Wasiirka Gaashandhigga dalka Masar General  Waxiid Ibraahim Khafaaji  ayaa sheegay in Masar iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir iskaashi ee dhanka Ciidamada ah, ayna dowladiisu gacan ka geysaneyso dib u dhiska ciidanka xoogga dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -