Madaxweyne Farmaajo & Shiikh Shariif oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Villa Somalia

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaali Farmaajo  iyo Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa kulan ku yeeshay xarunta Madaxtooyada ee magaalada Muqdisho sida ay sheegayaan warar laga helayo ilo lagu kalsoon yahay.

Warka ayaa intaas ku daraya in kulankan oo uu dalbaday Madaxweyne farmaajo looga hadlayo qodobo kala duwan oo ku saabsan  xaaladda dalka, gaar ahaan amniga iyo siyaasada.

Madaxweyne Farmaajo ayey warar ku dhow dhow kulankan sheegayaan inuu ka codsaday Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif inuu la yareeyo dhaliilaha uu u jeedinayo dowladda, isla markaa khudbadihiisa uu ku garab istaago hanaanka dowladnimo.

Arintan ayaa ku soo aadeysa xili shalay Xaflad lagu daah-furayay Xisbiga uu hogaamiyo Sheekh Shariif ee Himilo Qaran lagu qabtay Muqdisho, kaasoo ay ka qeyb galeen, Mas’uuliyiin kala duwan oo si kulul u dhaliilay dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Lama oga illaa hadda waxyaabaha ka soo baxay Kulankan Farmaajo iyo Shiikh Shariif oo saacado badan qaatay mana jiro war labada masuul ay soo saareen oo kulankooda la xiriira, hase ahaatee ragga siyaasada Somalia falanqeeya ayaa aaminsan in dowlada Madaxweyne Farmaajo ay aad u dhibsatay hadaladii shalay laga jeediyey xafladii xisbiga Himilo qaran.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -