Madaxweynaha & Raisul Wasaaraha India oo qaabilay Mahdi Mohamed Guuleed Khadar (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha dalka Hindiya Ram Nath Kovind, Ku-xigeenkiisa Venkaiah Naidu iyo Ra’iisul wasaaraha dalkaasi Narendra Modi ayaa si wadajir aqalka Madaxtooyadda ee dalkaasi ugu qaabilay wefdigii uu hogaaminayay Ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya Md. Mahdi Mohamed Gulleid (Khadar) oo maalmahan booqanayey dalka India.

Soomaaliya ayaa sanadkaan nasiib u heshay ka qaybgalka shirkaasi, Ra’isul wasaare xigeenka ayaana khudbad ka jeedin doonaa Madasha shirka.

Madaxda ugu saraysa dalka Hindiya ayaa wadajir saf ugu galay soo dhoweynta Ra’iisalwasaare xigeenka Soomaaliya. waxaana uu kala qayb galay kulan casho sharaf ah oo Hindiya ku qaabilayso Madaxda 121-ka dal ee Beri ka qayb galaya shirka Caalamiga ah ee International Solar Alliance oo ka furmayaa magaalada New Delhi.

Booqashada raisul wasaare ku-xigeenku ku joogo wadanka India ayaa waxaa ku wehliya xubno ka tirsan labada aqal ee baarlamanka Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -