Allbanaadir.com
NEWS

Xassan Shiikh oo ku laabtay jiidaha dagaalka, hadalna u jeediyey..

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu laabtay deegaanada uu ka socdo abaabulka howlgallada ka dhanka Khawaarijta, kaddib markii uu caasimadda Muqdisho kulammo kula qaatay Guddoomiyaha Cusub ee Midowga Afrika.

Madaxweynaha ayaa magaalada Raaga Ceelle ee Gobolka Shabeelada dhexe kula hadlay, boqolaal ka mid ah halyeeyada xaq u dirirka ah ee Macawisleeyda deegaanka

Waxaa uu ku booriyay sida ay uga go’an tahay in dhibaatada al shabaab ay uga dulqaadi lahaayeen dadka ay dhibaataynayaan ee ku dhaqan degaanada gobolkaas iyo qeybaha kale ee dalka

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa intaas kadib gaaray degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaan oo uu kasii wadi doono hoggaaminta abaabulka iyo howlagallada ka dhanka ah Al shabaab.

Waa markii 3aad ee Madaxweyne Xassan Shiikh ku laabanayo jiidaha dagaalka sababo ka xiriira wufuud ka timid dalka dibediisa oo madaxweynuhu ku qaabilayey magaalada Muqdisho.

Related posts

(Sawirro) Somalia & Talyaaniga oo kala saxiixday heshiis ku kacaya Malaayiin EURO

Caydiid Ali

Shir Amaanka looga hadlayay oo ka dhacay magaalada Jowhar (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Askartii AMISOM looga dhaawacay dagaalkii Balcad oo la keenay Muqdisho (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---