Trump oo ka hadlay waxyaabaha laga faa’iidi karo Heshiis ay la galaan Kuuriyada Waqooyi

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale ka hadlay kulanka la filayo in uu la yeesho dhigiisa Kuuriyada Waqooyi iyo waxyaabaha laga faa’iidi karo hadii ay labada wadan heshiiyaan.

Qoraal uu bartiisa Twitterka soo dhigay Madaxweynaha dalka Mareykanka ayuu ku sheegay in dalkiisa uu qarka u saaran yahay in uu heshiis la gaaro dalka go’doonsan ee Kuuriyada Waqooyi.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Trump in ay muhiim tahay in heshiis lala gaaro Kuuriyada Waqooyi, waxa uuna tilmaamay heshiis ay la gaaraan Kuuriya Waqooyi in uu noqon doono mid anfaca Dunida oo dhan sida uu tilmaamay.

Donlad Trump ayaa sidoo kale sheegay in halkeeda ay kasii socon doonto cunaqabateynta saaran Kuuriyada Waqooyi, waxa uuna rajo ka muujiyay in ay wax badan isbadali doonaan hadii heshiis la gaaro.

Madaxwenaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa horey u aqbalay in uu la kulmo dhigiisa Kuuriyada Waqooyi, hasa ahaatee Aqalka cad ayaan wali sheegin xiliga ay kulmayaan labada hogaamiye iyo goobta ay ku kulmi doonaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -