Allbanaadir.com
NEWS

Somaliland oo go’aan cusub ka qaadatay Wadahadalkii ay kula jirtay dowlada Somalia

Wasiirka arrimaha dibada Maamulka Somaliland Sacad Cali Shire ayaa ka hadlay qorshaha wadahadaladii uu Maamulkiisu kula jiray dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sacad Cali Shire oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa ayaa sheegay in duruufaha jira awgeed in xiligan uusan maamulka Somaliland diyaar u aheyn wadahadalo uu la galo Somalia.

Waxa uu sheegay in dhowr sababood oo uusan carabka ku dhufan loo hakiyay wadahadalkaas muddo bil ah, wixii ka dambeeyana ay go’aan kale ka qaadan doonaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya kama hadlin warkan Somaliland ay ku hakisay wadahadaladii ay kula jirtay dowladda Federaalka Soomaaliya

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xili Somaliland iyo dowlada Somalia ka dhex alloosan tahay xiisad ka dhalatay heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee dhexmaray dowladda Itoobiya, Shirkada DP World ee laga leeyahay Imaaraadka Carabta iyo Somaaliland kaasoo ku saabsanaa heshiiska maalgeshiga dekeda Berbera kaasoo dowladda Soomaaliya ay sharci darro ku tilmaantay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mahdi Guuleed: “Guddigii doorashada 2016 waxaa ku jiray xubno Xasan Shiikh la taliyeyaal u ahaa”

Caydiid Ali

Dhulgariir ka dhacay xeebaha Mareykanka & dignin laga bixiyey Tsunami (Sawirro)

Caydiid Ali

Wararkii ugu dambeeyey khasaaraha dagaalkii saaka ka dhacay Goof-gaduud

Caydiid Ali
Taboola Ads ---