Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dayuuradaha Maraykanka oo duqeyn ku dilay Abu Hassan Al-Muhajir

Iyadoo shalay Mareykanka shaaca ka qaaday inuu dilay hogaamiyihii ururka la magac baxay Khilaafada Islaamka ayaa waxaa haatan soo baxaya warar kale oo sheegayo in la dilay hogaamiye sare oo ka tirsan ururka IS.

Saraakiisha Kurdiyiinta Suuriya ayaa sheegaya in Mareykanka uu weerar ku dilay Abuu Xasan Al Muhaajir oo ahaa afhayeenka IS isla markaasna lagu tirinayey inuu xilka kala wareego Abuu-bakar Al-Baqdaadi.

Mareykanka ma xaqiijin arrintani balse warbaahinta Mareykanka ayaa ku warrantay in Al Muhaajir lagu dilay weerar duqeyn ah xilli uu ku safrayay waddo ku taal waqooyiga Suuriya.

Dalalka saaxibada la ah Mareykanka ayaa ka digay in dilka Abuubakar Al-Baqdaadi aysan ka dhigneyn in la soo afjaray dagaalka lagula jiro kooxda isku magacowday Khilaafada Islaamka, loona baahan yahay in laga feejignaado weeraro aargoosi ah oo kooxdan ay ku qaado danaha reer galbeedka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo si buuxda loogu wareejiyey amniga Magaalada Dhuusamareeb

Caydiid Ali

Galmudug oo soo saartay Ammaro cusub oo ku socda dadka kunool deegaannadeeda

Cabdi Cade

Soomaaliya iyo Shiinaha oo xoojinaya iskaashiga dhinaca Amniga

Cabdi Cade
Taboola Ads ---