Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid C/llaahi Deni oo xalay Warbaahinta kula hadlay Madaxtooyada Garawe ayaa weerarkii ugu cuslaa ee dhinaca afka ah ku qaaday Dowlada Federaalka uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.
Saciid Deni ayaa inta badan shirka Jaraa’id uu ku qabtay magaalada Garawe uga hadlay khilaafka wali ka dhax aloosan dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda maamul goboleedyada iyo sidoo kale eedeyn uu usoo jeediyay dowlada federaalka.
Waxa uu sheegay Madaxweyne Deni in ay welweli weyn ka qabaan sida dalka loo maamulayo iyo halka uu ku socdo, waxa uuna xusay in ay imaan karaan xaqabado hadahow ay adkaan karto xalinteeda.
”Khataraha ugu weyn ee Puntland dareemayso waxaa weeye nidaamkii iyo dastuurkii lagu heshiiyay la gacan bidixaynayo oo wadadii loo baahnaa uusan ku socon, waxaa noo muuqata caqabad aan hadhow la xalin karin” ayuu yiri madaxweyne Deni
Wuxuu sheegtay in xukuumada federaalka oo ku guuldaraysatay amnigii Muqdisho ay sidoo kale ilowday oo hilmaamtay dhibaatooyinkii kale ka jiray dalka oo aan dareensanayn baahiyaha ka jira maamul goboleedyada
”Waxaa kaloo soo baxay tubaha oo loogu talagay in caalamka loogu gudbiyo baahiya Soomaaliya qabto, Deeqihii markii yimaadaan meel ay ku baxaan la garan laayahay” ayuu yii Deni
Wuxuu ku eedeeyay madaxda dowladda federaalka inay ku takri faleen habkii awoodqaybsiga dowladnimo ama beeleed, isagoo tusaale u soo qaatay guddoomiyihii bangiga dhexe ee federaalka oo uu sheegay in aqooyahanadii reer Puntland ee u tartamayay booskaas la reebay
”Waxaan dhaliil weyn ka qabnay sida loo maareeyay guddoomiyihoo bangiga dhexe oo runtii xadgudub dhinaca awoodqaybsiga uu muuqdo. markii la magacaabayay guddoomiyaha maxkamada, ninbaa la qaaday oo nin kale oo isla haybtii ah lagu bedelay, laakiin markii guddoomiyaha bangiga dhexe la soo gaaray waxaa la yiri tartan furan ha la galo oo waxaa laga leexiyay habkii wax qaybsiga” ayuu yiri Saciid Deni.
Madaxweynaha Putland wuxuu sheegay in maamulkiisu uu diyaar u yhay inuu garab istaago, gacana siiyo maamulka Galmudug oo uu sheegay in khilaaf iyo dhibaato siyaasadeed ay haysato, islamarkaana cabasho ka muujiyay dowladda Federaalka
Eedeynta xoogan uu u jeediyay Madaxweynaha Puntland Dowlada federaalka ayaa kusoo aadeysa xili uu shalay kusoo laabtay Garawe kadib safaro uu ku tagay Imaaraadka iyo Kenya uu kulamo kula soo qaatay madax kala duwan.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com