Somalia oo dalab culus hor dhigtay Shirka madaxda Midowga Afrika ee Addis Ababa

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS mudane Saalax Axmed Jaamac oo hadal ka jeediyay Kulan madaxeedka 37aad ee Midowga Afrika ayaa u jeediyay xubnaha Ururka Midowga Afrika in si wadajir ah ay u cambaareeyaan ujeeddooyinka gurracan iyo dhulballaarsiga ay Itoobiya ku doonayso in ay ku boobto dhulka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in dowladda ay guula waweyn ka gaartay amniga degaanno dhowr ahna laga xoreyay  AL Shabaab.

Waxaa uu si adag uga hadlay damaca gurracan ee Itoobiya, isagoo madaxda u sheegay in dowladda Soomaaliya aysan marnaba aqbali doonin in lagu soo xadgudbo midnimada iyo madaxbannaanida Jamhuuriyadda Soomaaliya.

“Waxaan ugu baaqayaa golaha sharafta leh in ay nagula biiraan cambaareynata iyo ka hadalka falkaas gardarada ah ee kasoo horjeeda mabaadida aas-aasiga ah ee ururkan aan kawada midka nahay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac oo hadalkiisa sii wato ayaa soo hadal qaaday qorshaha ka bixitaanka ATMIS ee Soomaaliya iyo sida ciidamada Qaranka ugu diyaarsan yihiin la wareegidda amniga guud ee dalka.

“Waxa aan soo gabagabaynay Wajigii 1aad & 2aad ee bixitaanka ciidamada ATMIS oo ka kooban 2,000 iyo 3,000 oo askari in la dhimo, 24ka Juun waxa aan rajaynaynaa dhimis kale taas oo wadarta ka dhigaysa in ka yar 9,500 oo askari” Ayuu Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Saalax Axmed Jaamac.

Tallaabadaan ayuu sheegay in ay sii xoojiyay kaddib markii ciidamada Soomaaliya ay horumar ka sameeyeen dhinacyada sugidda Amniga Dalka, dagaalka ka dhanka ah khawaarijta iyo in ay qaadeen tallaabooyin la mahdiyay oo dhanka hormarka ah.

HOOS KA DAAWO KHUDBADDA RAISUL WASAARE KU XIGEENKA

- Advertisement -