Allbanaadir.com
NEWS

Shirweyne uu Maalgalinayo Ururka OIC oo Muqdiho ka furmaya iyo Wakiilo Dowladeed oo…

Waxaa beri oo isniin ah lagu wadaa in magaalada Muqdisho ka furmo Shirweynaha Badqabka Fikirka iyo la dagaallanka Xagjirnimada oo ay qabanqaabisay Xukuumadda Soomaaliya uuna maalgelinayo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) .

Shir-weynaha waxaa ka qeybgalaya 12 wakiillo dowladeed oo xubno ka ah Ururka, 30 caalim oo ka socda wadamada Islaamka iyo 12 ka mid ah culimada diinta iyo aqoonyahanka Soomaaliyeed.

Qaar ka mid ah wakiillada dowladeed, xeel-dheerayaasha iyo khubarada arrimahan ayaa hadal ka jeedin doona shirka oo soconaya 2- maalmood  , iyaga oo diiradda ku saari doona ujeeddooyinka iyo farriimaha ku qotoma badqabka fikirka iyo la dagaalanka xagjirnimada.

Shirweynahan beri ka furmaya magaalada Muqdisho ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo nuuciisa ah kana qeyb galaan culumo kala duwan oo ka kala socota Dalalka Islaamka oo lagu qabto magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaano Taageersan Jawaari oo kulmay Eedeyna u jeediyay C/Wali Muudey (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Madaxweyne ka cararay Xaruntiisa Madaxtooyada oo dad careesan ugu galeen (Sawirro)

Cabdi Cade

Gabar Muqdisho lagu kufsaday Kadibna Dabaqa Hotel laga soo tuuray !!(Daawo Muuqaal)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---