Jilaa Caan ah oo guursaday Gabar asalkeedu Soomaali yahay !! (Daawo Sawirro)

Jilaaga caanka ah ee Idris Elba ayaa la aqal galay gabar asalkeedu Soomaali yahay oo lagu magacaabo Sabrina Dhowre , waxaana xaflada arooska lamaanahan uu ka dhacay Hotel weyn oo kuyaala dalka Maroko.

Arooska lamaanahan oo is mahersaday sanadkii hore ayaa ka dhacay hotelka caanka ah Mandarian ee kuyaala dalka Maroko, waxaana munaasabada arooska kasoo qeyb qoysaska iyo asxaabta lamaanayaasha is guursaday.

Xaflada arooska Saabiriin iyo Idris oo ah lamaane dunida caanka ka ah ayaa socotay mudo sadex maalin ah, waxaana dadka kasoo qeyb galay xaflada arooska ay ka kala yimaadeen meelo badan oo caalamka kamid ah.

Saabriin Dhawre oo ah 29-sano jir ayaa salkeedu Soomaali yahay, waxa ayna ku dhalatay kuna bar baartay dalka Canada, gabadhan ayaana kamid ah dumarka modelka iyo xayeesiinta sameeya sidoo kale filimaanta jisha.

Ninka guursaday Saabriin ayaa isna ah aktar caan ah oo lagu magcaaabi  Idris Elba, waa  46 jir u dhashay dalka Britain, arooska lamaanahan ayaana si weyn waxaa u baahiyay qaar kamid ah Warbaahina caalamka ugu afka dheer.

- Advertisement -