Itoobiya oo yeelaneysa Dayax Gacmeed iyo Abiy oo booqday xarunta lagu sameenayo (Daawo Sawirro)

Dowlada Itoobiya ayaa markii ugu horeesay sameesaneysa Dayax gacmeed ay dooneso in ay hawada sare u dirto, waxaana sameynta dayax gacmeedkan uu hada marayaa heer gabo gabo ah.

Dayac gacmeedka Itoobiya yeelaneyso ayaa lagu sameenayaa dalka Shiinaha, waxaana sameynta Dayax gacmeedkan gacanta ku haya machadkaka hawada sare ee Shiinaha China Airspace Acadamy.

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed oo booqasho ku jooga dalka Shiinaha ayaa booqday xarunta lagu sameenayo dayax gacmeedka Itoobiya dooneyso in dabayaaqada sanadkan hawada sare u dirto.

Abiy Axmed ayaa indhihiisa kusoo arkay dayax gacmeedka dalkiisa sameesanayo halka uu hada marayo, waxa ayna u sheegeen madaxda machadka sameenaya dayax gacmeedkan in uu hada heer gabo gabo ah marayo.

Dayax-gacmeedka Itoobiya loo sameynayo oo miisaankiisu yahay 70 kiilo ayaa waxaa ku baxeysa lacag dhan 8-Milan oo Dollar, waxaa loo adeegsan doonaa dabagalka iyo uruurinta xogaha la xiriira beeraha, biyaha, macdinta iyo horumarinta magaalooyinka.

Dayax gacmeedkan loo sameenayo dowlada Itoobiya ayaa la sheegay in awood u yeelan doono in 54 maalmood  dunida oo dhan ku soo wareegto, halka dalka Itoobiyana ku qaadaneyso afar maalmood oo kaliya.

- Advertisement -