Kenya oo War rasmi ah ka soo saartay go’aankii DF ku ceyrisay safiirkeedii Somalia

Dowlada Kenya ayaa jawaab rasmi ah ka bixisay go’aankii dowladda Soomaaliya shalay ku cayrisay safiirkeedii fadhiyey Muqdisho, uguna yeeratay safiirkeeda Nairobi fadhiyey.

Xukuumada Somalia ayaa Kenya ku eedeysay inay faro-gelin ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, iyadoo adeegsaneysa Axmed Madoobe ayna doorashooyinka Soomaaliya carqalad ku abuureyso.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Kenya ayaa lagu sheegay inuusan jirin xiriir rasmi ah oo dowladda Soomaaliya kala soo sameysay in safiirka Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo wada-tashi loogu diray dalkiisa, ayna bayaanka dowlada Somalia ka maqleen oo kaliya Warbaahinta.

“Kenya waxay ka xun tahay ficillada nasiib-darrada u muuqda ee ay qaadday dowladda Soomaaliya, kaasoo ay uga codsatay safiirka Kenya ee Soomaaliya Lucas Tumbo inuu dalka ka tago,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale Kenya ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay qodobada dowlada Somalia u cuskatay talaabada ay qaaday.

“Ficilkan waxaa saldhig looga dhigay eedeymo aan sal lahayn, oo ku saabsan faro-gelin Kenya ku sameyneyso arrimaha gudaha Soomaaliya.’ Dowladda Kenya waxa ay ixtiraamtaa, oo ay ilaalisaa mabaad’ida caalamiga ah, qarannimada, madax-banaanida siyaasadeed iyo sharafta dhuleed ee dhammana dalalka” ayaa sidoo kale qoraalkaas lagu yiri.

Dowlada Kenya waxay sheegtay inay taageereyso heshiiskii September ay wada gaareen dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ee la xiriiray hab-raaca doorashooyinka dalka.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA KENYA

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
 

- Advertisement -