Xildhibaano badan oo maanta qaatay shahaadada Xildhibaanimo (Akhriso Magacyada)

Guddiga doorashada heer federaal ayaa maalintii shanaad si xiriir ah u wada bixinta shahaadada xildhibaanimo ee la siinayo xildhibaanada dooran ee labada aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Waxaa maanta shahaadada xildhibaanimo qaatay in ka badan 10-xildhibaan oo katirsan labada aqal, xildhibaanadan ayaana u badan kuwa laga soo doortay dowlad goboleedyada , waxaana wali socota shahaado siinta xildhibaanada.

Xildhibaanada qaadanaya shahaadada xildhibaanimo ayaan ku jirin kuwa laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed marka laga reebo saddex xildhibaan oo horey u qaatay iyo xildhibaano kale oo aad ugu dhaw dhaw Fahad iyo Farmaajo.

Guddiga doorashada heer federaal ayaa ugu baaqay xildhibaanada labada aqal katirsan aan qaadan shahaadada in ay soo doontaan, waxa ayna guddiga cadeeyeen in aan la aqbali karin in dib looga dhaco jadwalka dhaarinta xildhibaanada.

Halkan ka akhriso magacyada Xildhibaanada maanta shahaadada qaatay

1. Samira Maxamud Haji AS#51
2. Saynab Ismail Mohamed AS#45
3. Mohamed Abdi Osman AS#49
4. Daud Abdikarim Sh Omar GSH#014
5. Farhan Ali Hussein AS#47
6. Abdulrahman Ahmed Osman GSH#010
7. Mohamed Farah Nur GSH#192
8. Abdikafar Elmi Hange GSH#144
9. Mohamood Ahmed Adan GSH#157
10. Mohamed Abdullahi Burale GSH#059
11. Mohamed Abdulkadir Mohamed GSH#019
12. Abdirahman Idan Yonis GSH#259

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -