Xoghayaha Arrimaha dibedda ee Mareykanka oo ay xaalad adag ku qabsatay Nairobi

Xoghayaha arrimaha dibedda ee Mareykaka Rex Tillerson ayaa baajiyay kulamadii la qorsheynayay inuu maanta oo Sabti ah ku qaato Nairobi, sababa la xiriira caafimaadkiisa oo liita.

“Xoghayaha caafimaadkiisa ayaan wanaagsanayn kadib dhowr maalmood oo uu ku jiray shaqa adag oo la xirrirta arrimaha Kuuriyada Waqooyi”, ayaa lagu sheegay qoraal ay shaacisay waaxda arrimaha dibedda ee Mareykanka.

Mr Tillerson oo Afrika ku jooga booqashadiisii ugu horeeysay ayaa dalka Kenya joogi doono ilaa iyo maalinta Isniinta ah.

Waxaa lagu waday inuu maanta booqdo mashaariicda ee HV/AIDS ee ay dowladda Mareykanka maalgelisay iyo inuu ka qeybgalo xaflad loo sameynayay sanadguuradii 20-aad ee ka soo wareegatay weerarkii ay Al Qaacidda ku qaaday safaaradaha Mareykanka ee Kenya iyo Tanzania.

Shalay ayay ahayd markii uu madaxweeynaha Mareykanka Donald Trump uu oggolaaday in uu la kulmo madaxweeynaha Kuuriyda Waqooyi Kim Jong-un Bisha May.

Mas’uuliyiinta safarkan ku wehliso Mr Tillerson ayaanan sheegin nooca xannuun ee xoghayaha, haseyeeshee waxaa loo maleynayaa in xanuunkiisu uu yahay mid sahlan.

Mr. Tillerson ayaa joogay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa markii uu so baxay warka sheegaya in Trump uu aqbalay inuu la kulmo Mr Kim Khamiistii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -