Muxuu ka dhigan yahay weerarka khal-khalka badan abuuray ee Iran ku qaaday Israel?

Falanqeeyayaasha ayaa labadii saacadood ee u dambeeyay sheegayay in weerarka Iran ku qaaday Israel uu u muuqdo mid si taxadar leh loo jaangooyay, si loo sameeyo qodob balse uusan aheyn mid loogu talo galay inuu gaysto dhaawac aad u badan taasoo xaalada u sii kordhin laheyd isku dhac balaaran.

Israa’iil waxyeelladu way yartahay. Ilaa iyo hadda waxaa la soo sheegayaa in khasaare uu soo gaaray saldhig ciidamada cirka ee koofurta ay leeyihiin, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh oo aan la xaqiijin karin.

Weerarkan dhan waxa uu ahaa dagaal lagu qaaday dowlad reer Galbeed oo dhan taageerayaan, dhanka kalena, Iiraan waxa uu u ahaa tusaale inay wax iska celin karto oo sharafteeda ilaashan karto, isla marlaana aan lagu soo degdegi karin.

Waxa intaas dheer, weerrkan waxa uu kor u qaaday suuragalnimada in Yuhuuda la iska celin karo oo la weerari karo, waxaana uu sii xoojiyey natiijadii weerarkii 7dii October Xamaas ku qaaday Israel oo ahayd in baqdintii laga qabi jiray Israa’iil la soo afjaray.

Weeraradan socda (Iiraan, Xuutiyiinta, Xisbullah, Muqaawamada Ciraaq, Xamaas oo safka hore fadhida Iwm) iyo rayil caamka sameysmay, waxay ka dhigtay Yuhuuda kuwa burbursan oo lagu dhiiran karo in la wareero, la iska celiyo.

Israa’iil maanta ayey ka daciifsan tahay intii ay jirtay, siyaasad iyo Istraatiiji ahaanba. Waxa kale oo banaanka la soo dhigay Xumaanta reer Galbeedka iyo Munaafaqada iyo fulaynimada leh ee madaxda carabta ee lagu xuuxin jiray in awooda Israel ay tahay wax aan loo babac dhigi karin.

Reer galbeedka waxay aaminsan yihiin in IRAN ay leedahay Hubka sida wayn wax u gumaada ee Nuclearka ugu yaraan dhowr madax taasoo sababaysa inaan lagu soo dagdagin.

Sida muuqata Tilaabada jawaabta ah ee IRAN qaaday waxay wax badan ka badali doonta xaalada bariga dhexe iyo Loolanka taariikheed ee ka jira, iyadoo la aaminsan yahay Iran inay xulufo adag la tahay ruushka oo asiga laftirkiisa xaaladii Caalamka wax ka badalay labadii sano ee lasoo dhaafay sidoo kale IRAN waxay taageero iyo damaanad ka heesata China.

- Advertisement -