Baarlamanka Somalia oo xarun KMG loo dhisayo & naqshadeeda oo la soo bandhigay (Daawo Sawirro)

Guddoomiyaha baarlamanka Somalia Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Masuuliyiinta Shirkadda dhismaha iyo Horumarinta ee TIKA oo uu wehliyo Safiirka dowladda Turkiga ee Soomaaliya Amb. Olgan Bekar ayaa Maanta kala saxiixday heshiis laba dhinac ah oo ku Aadan Dhismaha Xarunta Baarlamaanka JFS iyo Xarun kumeel-gaar ah oo dhawaan la filayo in uu bilowdo Dhismaheeda.

Xildhibaanada aqalka hoose ayaa ku sii shaqeyn doono xaruntan cusub oo laga dhisayo xarunta Villa Hargeysa inta laga dhisayo xarunta rasmiga ah ee golaha shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiye Jawaari ayaa heshiiskan la saxiixday heyadda TIKA iyo Safaaradda Turkiga ee Somalia.

Xarunta Villa Hargeysa ayaa waxaa hadda ku shaqeeya gudoonka Baarlamanka iyo guddi hoosaadyada golaha shacabka

Dhismaha xarunta weyn ee Baarlamanka Somalia oo la bilaabi doono dabayaaqada sanadkan ayaa waxaa ku baxaya adduun gaaraya 100 milyan oo dollar, iyadoo lacagtaas ay ku deeqday dowlada Turkiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -