Allbanaadir.com
NEWS

La taliyaha Madaxweynaha oo sheegay in Mucaaradku doonayaan duminta dowlada

La Taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya Salaad Cali Jeelle oo Warbaahinta la hadlay ayaa eedeyn culus u jeediyay siyaasiyiin iyo Xildhibaano mucaarad ah oo shalay ku shiray magaalada Naiarobi.

Salaad Cali Jeelle ayaa sheegay in mucaaradka ku shiray magaalada Nairobi ay doomayaan in a dumiyaan dowlada hada jirta balse aysan dooneyn in xal siyaasadeed la gaaro lagana wada hadlo xal siyaasadeed.

” Duminta dowlada jirta waxaa kow ka ah dalka dibadiisa in lagu shiro, Siyaasiyiinta in ay yiraahdaan cabashaan ka nahay dowlada madaxda dhibaatey wadaan waa nasiib daro, Shirka Nairobi waa shir dowladnimada looga soo horjeedo” Ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

Waxa kale uu sheegay Salaad Cali Jeelle in siyaasiiinta mucaaradka ah ee ku shiray Nairobi ay doonayaan in xukuumada hada jirta meesha laga saaro isla markaana la qarbudo dowlada Soomaaliya.

Hadalka Salaad Cali Jeelle ayaa kusoo aadaya xili shalay magaalada Nairobi ku shireen siyaasiyiin mucaarad ah, kuwaa oo dowlada dhaliil usoo jeediyay sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ugu baaqay in uu kala diro xukuumada hada jirta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Meydka Marxuumad Luul C/casiis oo bil ka dib lagu aasay Muqdisho (Sawirro+Video)

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo Weerar Afka ah ku qaaday Farmaajo arimo badana soo bandhigay !

Cabdi Cade

Ciyaal Weero Cimaamado wata oo caawa lagu soo qabtay Howlgal la sameeyay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---