Allbanaadir.com
NEWS

Ciyaal Weero Cimaamado wata oo caawa lagu soo qabtay Howlgal la sameeyay (Sawirro)

Ciidanka booliska Soomaaliya gaar ahaan qeybta guud ee Gobolka Banaadir ayaa caawa howlgal amni xaqiijin ah ay ka sameeyeen deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho kusoo qab qabtay kooxo ciyaal weero ah.

Booliiska ayaana intii ay howlgalka wadeen gacanta ku dhigay dhallinyaro badan oo ciyaal weero ah , kuwaas oo watay tooreeyo, baangado iyo mindiyo, waxa ayna ku howlanaayeen dhibaateenta dadka shacabka ah.

Dhallinyaradan ciyaalka weerarada ah ayaa intooda badan laga soo xiray xaafada Jabad Geelle, waxa ayna ciyaalkan xirnaayeen xilligii booliiska qabanayeen cimaamado ay wajiga ku qarsanayeen si ay loo aqoonsan inta ay dhibaateynta wadaan.

Ciidamada booliiska Soomaaliya ayaana magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ka sameeya howlgalo ka dhan ah ciyaalka weerada iyo sidoo kale kooxaha burcada hubeesan ee shacabka dhaca iyo dhibaatooyinka kalaba u geesta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qatar oo loo soo bandhigay Fursadaha maalgashi ee ka jira Soomaaliya

Cabdi Cade

Soomaaliya: “Heshiiska Somaliland & Itoobiya wuxuu ka dhigan yahay iclaamin dagaal”

Caydiid Ali

Human Rights Watch oo Israa’iil ku eedeeysay iney hub ahaan u adeegsatay gaajo

Caydiid Ali