Allbanaadir.com
NEWS

Meydka Marxuumad Luul C/casiis oo bil ka dib lagu aasay Muqdisho (Sawirro+Video)

Meydka Marxuumad Luul C/casiis oo muddo ka bil ku jiray qaboojiye ayaa ugu dambeyn maanta lagu aasay degaanka Jasiira ee duleedka magaalada Muqdisho.

Luul Cabdicasiis ayaa dabayaaqadii bishii Jannaayo ee snnadkan ku geeriyootey magaalada Muqdisho, ka dib markii ninkeedi uu gubay, sida ay sheegtay maxkamadda gobolka Banaadir.

Maydka Luul Cabdicasiis ayaa laga soo saaray qaboojiyaha isbitaalka Racep Tayyib Erdogan (Digfeer) oo ay tiilley tan iyo markii ay u geeriyootay dhaawac halis ah oo ka soo gaarey dab uu qabdsiiyey ninkeedi xilli ay ku sugneyd gurigeeda oo ku yaal Muqdisho.

Qoyska marxuumadda ayaa ku adkeystay in aan gabadhooda la aaseynin inta ay caddaalad ka heleyso, wuxuuna aaskeedu ku soo beegmayaa maalin ka dib markii maxkamadda Gobolka Banaadir ay dil toogasho ah ku xukuntay Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ahaa ninka dhimashadeeda loo haystay.

Allaha u naxariistee Luul ayaa lagu aasay xabaalo ku yaala deegaanka Jasiira ee dhaca duleedka koonfureed ee Muqdisho.

Dadweyne badan oo isugu jira ehehlda marxuumadda iyo qaar la dareen ah ayaa ka qayb galay aaskan oo soo xiraya maalmo dheer oo murugo iyo tiiraanyo ku reebay qoyskii ay ka baxday oo ay ku jiraan 6 carruur ah oo agoon iyo rajo noqday.

HOOS KA DAAWO SIDA UU DHACAY AASKA MARXUUMADA.

Related posts

DF oo beenisay hadalkii Puntland ku diiday kaarka aqoonsiga

Caydiid Ali

Muqtaar Roobow oo Sheegay in Noloshiisa halis galiyeen Ciidamo laga keenay Galmudug

Cabdi Cade

Xukuumada Xilgaarsiinta oo beenisay Warar laga faafiyey shirka Wadatashiga doorashada

Caydiid Ali
Taboola Ads ---