Diyaarinta Mooshin ka dhan ah Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre oo socota

Qaar kamid ah Xildhibaanada golaha shacabka gaar ahaan kuwa mucaaradka ayaa wada diyaarinta mooshin loogu yeerayo Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre si ay Xildhibaanada su’aalo u weediiyaan.

Xildhibaan Cabdi Fitaax Ismaaciil Daahir ayaa Warbaahinta u sheegay in Xildhibaano uu ku jiro wadaan diyaarinta mooshin Kheyre loogu yeerayo si wax looga weediiyo xaalada amni iyo mida siyaasadeed uu sheegay in Xukuumada ku fashilantay.

Waxa uu sheegay Xildhibaanka in Ra’isul Wasaare Kheyre oo xukuumadiisa shaqeeneyso labo sano ka badan uusan wali hor imaan Baarlamaanka, waxa uuna xusay in horey Ra’isul Wasaaraha u balan qaasay in Baarlamaanka ku hor imaan doono balse taasi aysan dhicin.

Hadalka Xildhibaankan oo kamid ah Xubnaha mucaaradka ku ah Xukuumada Kheyre ayaa kusoo aadaya xili siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada Mucaaradka ay bilaabeen in dalka dibadiisa ku qabsadaan shirar dowlada lagu mucaaradayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -