Xukuumada Soomaaliya oo si layaab leh uga hadashay Shirkii Mucaaradka ku yeesheen Nairobi

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Daahir Maxamuud Geelle ayaa ka hadlay shir shalay magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya ku yeesheen Xildhibaano iyo siyaasiyiin mucaarad ku ah dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Daahir Geelle ayaa sheegay in dowlada uu hogaamiyo Madaxweyne Farmaajo ay wado hanaan isku soo dhawaansho ah, waxa uuna siyaasiyiinta Mucaaradka ah ugu baaqay in aysan la fogaan mucaaradnimadooda.

Waxa uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya in siyaasiyiinta mucaaradka ah ay dowlada saami ku leeyihiin, waxa uuna ka codsaday siyaasiyiinta doorka hogaamineed leh in ay dowlada la fadhiistaan una soo gudbiyaan tabashadooda.

” Siyaasiyiinta waa saamiley wax ku leh dowlada, waxa ay wax ku leeyihiin waxa aan heyno, waxaan leeyahay walaalaheyga yeysan idinla fogaan mucaaradnimada, meesha aad noo maleysan ma jirno, dowlada waxa ay wadaa hanaan isku raadin ah” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo aadaya xili shalay magaalada Nairobo kulan xasaasi ah ku yeesheen Siyaasiyiin, Xildhibaano iyo Hogaamiyaasha xisbiyo mucaarad ah kuwaa oo shirkooda kasoo saaray War Murtiyeed dhaliisha dowlada u badnaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -