Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

(Sawirro) Madaxweyne Qoorqoor oo caawa la caweeyey Bulshada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa caawa la caweeyay bulshada Caasimada Dhuusamareeb.

Qoorqoor ayaa ka dhageystay dhalinyarada iyo waxgaradka uu magaalada kula kulmay talooyin muhiim ah oo ku aadan dhismaha Galmudug tayo leh.

Sidoo kale, Madaxweyne Qoorqoor ayaa lug ku maray qaar ka mid ah jidadka Dhuusamareen isagoo u kuurgalay xaaladda amni iyo dhaqdhaqaaqa ganacsi ee Magaalada waxaa intii uu socodka ku jiray ka dukaameystay mid ka mid ah xarumaha ganacsi.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya xili magaalada Dhuusamareeb ay haatan si buuxda u gashay gacanta maamulka Galmudug ka dib markii maalmo ka hor dagaal ka dhacay magaaladaas looga taag roonaaday ciidamo taabacsanaa ahlu suna oo ka soo horjeeday Qoorqoor iyo maamulkiisa.

Shacabka magaalada Dhuusamareeb oo ka soo daalay maamulo isugu jiray kooxo iyo jabhado hubeysan ayaa haatan u hamuun qaba iney helaan nidaam dowli ah oo wax badan ka bedela xaaladaha amniga, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Wasaarada amniga DF oo amar cusub ku soo rogtay Garoonka Aadan cadde (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiir Cali Xoosh oo su’aalo xasaasi ah lagu weydiiyey Aqalka sare

Caydiid Ali

Israel oo burburisay 12 dhisme iyo Xamaas oo qaaday talaabo aargoosi ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---