Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Milateriga Sudan oo digniin adag siiyey dadka weli dibed-baxyada dhigaya

Militariga la wareegay talada dalka Sudan ayaa digniin u diray dadka dibadbaxyada weli ka wada dalkaas, iyagoo amar ku siiyey inay jidgooyooyinka ka qaadaan waddooyinka caasimadda Khartuum.

Militariga waxay shacabka u sheegeen inay baneeyaan waddooyinka si xaaladda amniga magaalada loogu soo celiyo.

Madaxa golaha militariga Suudaan, Janaraal Fattax Cabdiraxmaan Burhaan ayaa sheegay in dhibaatada dibadbaxyada aanan lagu sii jiri karin, ayna tahay in la soo afjaro.

Dibad-baxyaasha ayaa ku sugan afaafka hore saldhigga militariga ee Khartuum, waxay codsanayaan in xukunka lagu wareejiyo dowlad rayid ah.

Hoggaamiyeyaasha dadka bannaanbaxyada wada waxay sheegeen inay hakiyeen kulan ay la yeelan rabeen militariga si looga wada hadlo helidda dowlad rayid ah.

Waxay ku eedeeyeen in maamulka ay weli ka tirsan yihiin dad horey uga tirsanaa dowladdii u hoggaamin jiray Cumar Al Bashiir.

Militariga waxay sheegeen inay ka go’antahay sidii xukunka ay ugu wareejin lahaayeen dowlad rayid ah isla markaasna waxay ku adkeysteen inay mas’uuliyadooda tahay sugidda  amniga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mashruuc cusub oo 5 sanno soconaya oo maanta Muqdisho lagu daahfuray (Sawirro,)

Cabdi Cade

RW ku xigeenka DF oo gaaray dalka Angola iyo Xog ku aadan safarkiisa (Sawirro)

Caydiid Ali

Rag laga dilay Al-Shabaab & hubkooda oo lagu soo bandhigay Dhuusamareeb (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---