Rag laga dilay Al-Shabaab & hubkooda oo lagu soo bandhigay Dhuusamareeb (Sawirro)

Ciidamada amaanka magaalada Dhuusamareeb ayaa soo bandhigay meydadka dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab oo xalay weerar hoobiyeyaal ah ku qaaday magaalada oo shir uu uga socdo madaxda DF iyo dowlad goboleedyada.

Sidoo kale ciidamada ayaa soo bandhigay hoobiyihii ay tuurayeen, hub kale iyo gaari qooqan ah oo ay wateen raga la laayey

Ku dhowaad 10 dagaalyahan ayaa la sheegay iney xalay saqdii dhexe gaari ku yimaadeen meel qiyaastii 1km u jirta magaalada, iyagoo bilaabay iney halkaas ka tuuraan madaafiic ku jiheysan bartamaha magaalada Dhuusamareeb.

Hase ahatee markii ay labo hoobiye tureen ayaa waxaa ku soo baxay ciidamo ka tirsan Haramcad oo ku diyaarsanaa meel ku dhow goobta madaafiicda laga tuurayey, kuwaasoo la sheegay iney goobta ku dileen illaa 8 dagaalyahan, halka labo kale oo midkood dhawaac yahayna nolosha lagu qabtay sida saraakiisha Galmudug sheegeen.

“Ciidamada amniga Qaranka iyo kuwa Galmudug ayaa caaway ka hortagay weerar ay soo qaadeen canaasiir ka tirsan kooxda argagixisada Alshabaab, halkaasoo kooxda lagu gaarsiiyey khasaare weyn, ayadoo looga gubay gaarigii ay weerarka ku fuliyeen, qori B9 ah oo weerarada u isticmaali jireen isla markaana ay uga carareen maydad toban gaaraya, Ciidamada amniga ayaa sii baacsanaya haraadigii iyo firxadkii argagixisada” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaarada amniga Galmudug.

Labo habeen ka hor ayey aheyd markii Al-Shabaab ay magaalada Dhuusamareeb ku tureen illaa 10 hoobiye xili ay ku sugnaayeen madaxda DF iyo dowlad goboleedyada, hase ahaatee ciidamada amniga ayaa sheegay iney duleedka magaalada ku dileen labo nin oo ka mid ah raggii madaafiicda tuurayey galka mid kalena ay nolosha ku qabteen.

Al-Shabaab ayaa isku dayeysa iney khal khal geliso  shirka madaxda Soomaalida uga socda Dhuusamareeb oo la filayo in heshiis looga gaaro khilaafaadka ka taagan doorashada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -