Madaxweyne Farmaajo oo si qurux badan loogu oo dhaweeyay Qaahira (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha magaalada Qaahira kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan dowlada Masar, waxaana Madaxweynaha la dejiyay hotel gaar ah .

Farmaajo ayaa magaalada Qaahira kaga qeyb galaya shir madaxeed gaar ah ay ka qeyb galayaan dhowr madaxweyne , waxaana shirkan  looga hadlayaa isbadalka ka dhacay dalka Sudan iyo xaalada xiligan dalkaasi uu ku sugan yahay .

Madaxweynaha dalka Masar C/fataax Al-Sisi oo ah Guddoomiyaha Midowga Afrika, ayaa shirkan isugu yeeray qaar kamid ah Madaxda wadamada Afrika gaar ahaan Wadamada Dariska la ah Sudan IGAD iyo sidoo kale Koonfur Afrika.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -