Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddoomiyaha cusub ee Bankiga dhexe oo Xilka la wareegay (Daawo Sawirro)

Munaasabad lagu qabtay xarunta Bankiga Dhexe ee Somaaliya ayuu maanta Xilka si rasmi ah kula wareegay Guddoomiyaha Cusub ee Bankiga Dhexe, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya  Cabdiraxmaan Ducaale Bayle iyo Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka.

Guddoomihii hore ee Bankiga Dhexe, Bashiir Ciise oo ka hadlayay  waxyaabihii usoo qabsoomay Bankiga dhexe sanadiihi la dhaafay ayaa sheegay in haatan uu marayo xilligii ugu haboonaa Maadaama Dhaqaalaha Dalka uu marayo dib u kabasho sidoo kale wuxuu bogaadiyay guddoomiyaha cusub xilka culus ee loo igmaday.

Gudoomiyaha Cusub ee Bankiga Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa uga mahadceliyay Shaqadii uu soo qabtay guddoomiye Bashiir waxaana sheegay inuu ka shaqeynayo  sidii dalkaan looga gaarsiin lahaa isku filnaasho.

Dhinaca kale Guddoomiyah  Cusub ee Bankiga Dhexe ayaa kulan isbarasho ah la qaatay qaar ka mid ah Shaqaalaaha Bankiga dhexe, sidoo kalena laguma sagootinayay Gudoomiyhii hore ee Bankiga dhexe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Cabsi soo waajahday markale midowga musharaxiinta & qorshe uu waday Farmaajo oo la fashiliyay !!

admin

(Sawirro) Bare wax ka dhiga Jaamacad oo loo ganaaxay Salaad uu tukaday

Caydiid Ali

Muhaajiriin badan oo kusii jeeday Qaarada Yurub oo badda ku dhintay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---