Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Bare wax ka dhiga Jaamacad oo loo ganaaxay Salaad uu tukaday

Maamulka Jaamacad ku taalla dalka Hindiya ayaa fasax ganaax ah u diray Macalin ka mid ah macallimiintooda kaddib markii uu faafay muuqaal laga duubay isagoo tukanaya.

Ninkan ayaa wax ka dhigayay xarun waxbarasho oo ku taalla magaalada caanka ka ah dalka Hindiya ee Aligarh.

Qof ayaa muuqaal ka duubay isagoo salaad ku xirtay meel ka mid ah barxadda dhismaha Jaamacadda, halkaasoo u muuqatay in aan loo oggolayn cibaadadiisa.

Muuqaalkan ayay markii dambe ka war heleen mas’uuliyiinta ugu sarraysa ee jaamacadda, waxaana la magacaabay guddi soo baara sida ay wax u dhaceen.

Ururrada Hinduuga xagjirka ah oo uu xitaa ka mid yahay xisbiga talada haya ee BJP, ayaa billaabay in ay dhaleeceeyaan Macalinkan.

Arrintan ayaa sidoo kale si wayn looga hadlay dhinaca baraha bulshada, iyadoo dadka qaar ay kasoo horjeesteen salaadda macallinka, halka qaar kalena ay cambaareynayeen fasaxa halka bil ah ee lagu khasbay.

Related posts

Dowladaha Itoobiya & Imaaraadka oo kala saxiixday heshiis iskaashi Milateri (Sawirro)

Caydiid Ali

Muqdisho: Nin Masaar u adeegsaday dilka nin kale & Booliska oo..

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo Wada Qorshe Cusub & Ciidanka DF oo Qabiil U kala Saftay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---