Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweynaha Somalia & dhigiisa Miguel Diaz-Canel oo khadka telefanka ku wada hadlay

Madaxweynaha Cubba Miguel Diaz-Canel ayaa Telefoonka kula hadlay Madaxweyneyaasha Wadamada Soomaaliya iyo Kenya  Uhuru Kenyatta iyo Maxamerd Cabdullahi Farmaajo waxayna kawada hadleen sidii loo sii deyn lahaa Dhaqaatiir Cuba u dhashay oo Kenya laga soo afduubtay.

Miguel Diaz-Cane ayaa Twitter-kiisa ku sheegay inuu Madaxda Soomaaliya iyo Kenya kala hadlay sidii loo kordhin lahaa dadaaladda lagu soo badbaadinayo dhaqaatiirta Afduubka loo heysto.

Madaxda Cuba, Kenya iyo Soomaaliya ayaa isla gartay inay iska kaashaadaan sidii dhaqaatiirtaas xoriyadooda dib loogu soo celin lahaa.

Jimcihii la soo dhaafay ayaa rag hubeysan oo la aaminsan yahay inay Al-shabaab ka tirsan yihiin waxaa ay  weerareen labo dhaqtar oo kala ah Assel Herrera iyo Landy Rodriguez xilli ay ku sugnaayeen Mandera si ay daryeel caafimaad ugu fidiyaan Dadka degan Mandera iyo deegaanadda u dhow.

Weerarkaas  dhaqaatiirta lagu soo afduubtay waxaa lagu dilay Askarigii ilaalinayay.

Dhaqaatiirtuna waxay ka mid ahaayeen 100 dhaqtar oo Dowladda Kenya ay ka keentay Cuba si ay Gobolada Dalka adeeg caafimaad uga fuliyaan.

Inkasta oo aysan Al-shabaab sheegan Masuuliyadda afduubka, hadana waxaa loogu maleeyay inay masuul ka yihiin maadaama Mandera iyo gobolka Woqooyi bari ay ku badan yihiin Weeradda Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com  

Related posts

Boqorka iyo boqorada dalka Norwey oo laga helay caabuqa Coronavirus

Caydiid Ali

Hooyo Carruur ay dhashay ku gowracday Muqdisho iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Farmaajo: “Walaalkey Muuse Biixi waa Soomaali garowsan in Somaliland keligeed socon karin” (Sawirro)

Caydiid Ali