Waa Maxay Ujeedka Ay Kenya Ku Dooneyso In Al Shabaab Loogu Daro Liiska  Argagixisada?

Dhawaan waxa ay warbaahinta maxaliga ah iyo kuwa dibedda baahiyeen warar sheegaya in Dowladda Kenya ay u ol’oleeneyso sidii ururka Al Shabaab loogu dari lahaa liiska Ururada Argagixisada uu Golaha Ammaanka u aqoonsan yahay.

Arrintaas waxa ay la yaab ku noqotay Soomaalida iyo waliba bulshada caalamka iyaga is weydiiyey waxa xilligan ol’olaha Kenya ku soo beegay iyo in ay jirto cid laga dhaadhicinayo maanta in Al Shabaab tahay ururu argagixiso!?

Qoraaga weyn, ahna fallanqeeye siyaasadeed Abukar Armaan ayaa maqaal gaaban si durugsan ugu lafaguray arrintan dagalka Foreign Diplomacy (https://moderndiplomacy.eu/2019/08/16/does-kenya-really-want-to-end-terrorism/).

Qormadan kooban waxaan ku eegi doonnaa nuxurka maqaalka Abukar Armaan ee ujeedooyinka Kenya arrintaas ka leedahay.

U gogol xaaridda xayiraado dhaqaale iyo rahmaad loo qabsado Siyaasiyiinta iyo ganacsatada Soomaaliyeed

Qaraarka Kenya dooneyso in loo adeegsado Al Shabaab waa 1267 kaas oo wata cunaqateenno cul culus iyo ciqaabo daran. Tusaale, qofka looga shikiyo in uu taageero urur argagixiso ah waxaa xannibaad lagu soo rogayaa dhaqaalihiisa iyo dhaqdhaqaaqiisa guud.

Kenya, waxa ay wax walba u sameeneysaa sidii uu u meel mari lahaa ujeedkeeda waxaana laga dareemi karaa sidii deg degga ahayd ee ay weerarkii Kismaayo bishii Luulyo ka dhacay uga falcelisay.

Monica Juma, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Kenya, xilli jawaabo loo raadinayey cidda ka dambeyn kartay weerarkaas lagu dilay 26-ka qof ee ay ku jirtay wariye Hodan Naaleeye, waxa ay Twitter-keeda ku soo qortay hadalo siyaasadeysan kahor inta aysan ka tacsiyeen weerarka.

Juma waxa ay tiri: “Weerarkan waxa ay beesha caalamka xusuusinayaa sida ay muhiim u tahay in Al Shabaab sida ururuda kale ee argagixiso loogu daro liiska qaraarka golaha ammaanka ee 1267.”

Kiiska Badda, maxaase Al Shabaab ka galay arrintan?

Kenya waxa ay dooneysaa haddii ay u suurtagasho in dadaalkeeda in Al Shabaab lagu daro liiska ururuda argagixisada ee golaha ammaanka, in ay ka faa’ideysato sharcigaas oo ay siyaasiyiinta iyo ganacsatada dalkeeda ku leh hantida maguurtada ah iyo maalgashiga ay ku qasabto in ay ku gacan siiyaan goosashada Badda Soomaaliyeed. Waxa uu Kenya u noqon doontaa qodob ay ku cabsiiso dadkaas si ay daneheeda gurracan uga fushato.

Dhinaca kale, Kenya waxa ay siin doontaa hubanti ay ku sii hesho taageerada siyaasiyiin uu ka mid yahay Axmed Madobe oo ah Madaxweynaha maamulka Jubaland ee uu waqtiga ka dhammaaday, kaas oo markii horeba iyada uga dhawaa Dowladda Federal-ka ah.

Marka la’isku soo duuduubo ujeedka Kenya waa mid salka ku haya natiijada la filayo in bisha Sebtembar ka soo baxdo Maxkamadda Aduunka ee Cadaaladda ee la xirira Kiiska Badda ee ay Kenya ku haysato Soomaaliya. Kenya waxa ay si handadaad ah u adeegsan doontaa sharciga, AL Shabaab ku daraya liiska Golaha Ammanka ee Argagixiada si ay awood ugu qaadato Badda Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -