Puntland oo dalkooda ku celisay 50 qof oo Muhaajiriin ah (Daawo Sawirro)

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa dib u celisay in ka badan 50 ruux oo muhaajiriin Itoobiyaan ah, kadib markii ay iskood isku diiwaan-geliyeen in dalkooda lagu celiyo.

Muhaajiriintan ayaa laga dhoofiyay garoonka diyaaradaha Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland, waxaana laga dejiyay Magaalada Addis Ababasida ay sheegtay Wasaaradda arrimaha gudaha ee Punttland.

Dadkan oo ka koobnaa rag, dumar iyo carruur ayay Puntland sheegtay in la mariyay nidaamka caalamiga ah ee dib u celinta muhaajiriinta, islamarkaana ay dhammaantood raalli ku ahaayeen in dalkooda loo celiyo.

Muhaajiriintaan u dhalatay Itoobiya ayaa ka xoogsan jiray gudaha Maamulka Puntland oo howlo kala duwan ay ka qaban jireen.

Puntland ayaa tan iyo horraantii sannadkan bilowday, dib u celinta soo galootiga Itoobiya oo u badan qowmiyadda Oromada ee dalkaas ugu tirada badan oo ka soo cararayey rabshado ka jiray mudooyinkan degaanadooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com  

- Advertisement -