Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Milateriga Sudan oo xirxiray xubno ka tirsan Qoyska Cumar Xasan Al-Bashiir

Militariga la wareegay talada dalka Sudan ayaa sheegay inay xabsiga u taxaabeen labo qof oo la dhashay madaxweynihii xukunka laga tuuray  Cumar Al Bashiir.

Afhayeen u hadlay militariga Sudan ayaa sheegay in xiridda walaalaha Al-Bashiir ay ka qeyb tahay ololaha xididada loogu siibayo maamulkii hore.

Waxaa uu sheegay in la xir-xirayo maleeshiyaadkii taabacsanaa maamulkii hore.

Cumar Al Bashiir ayaa shalay lagu xiray xabsiga Kobar oo horraan inta badan lagu xiri jiray siyaasyiinta mucaaradka ah.

weli waxaa dalkaas laga dareemayaa saameynta aan wanaagsaneyn ka dhalatay dibed-baxyadii waaweynaa ee la soo horjeeday Madaxweyne Al-Bashiir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com           

Related posts

(Daawo Sawirro) Wasiirka Maaliyada Somalia oo Magaalada Doxa kula kulmay Cali Shariif Al-Emadi

Caydiid Ali

Maktabad loogu magac daray Duqii hore ee Muqdisho oo xariga laga jaray (Sawirro)

Cabdi Cade

Wararkii Ugu Dambeeyay Weerarkii Hotelka Xayaat iyo rasaas wali la maqlayo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---