Banaan bixii laga cabsi qabay in uu ruxo Muqdisho oo fashilmay iyo Sababta keentay

Waxaa maanta fashilmay banaan bax la hadal hayay in uu ka dhaco magaalada Muqdisho, banaan baxan ayaana la tuhmayay in daaha gadaashiisa ka abaabulayaan  Xisbiyo iyo siyaasiyiin dowlada Mucaarad ku ah.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa sameesay dadaalo badan oo looga hartagayay banaan baxa laga cabsi qabay, waxaana banaan baxa uu ugu dambeyn noqday mid fashilmay oon soo dhaafin hadal heyntiisa baraha bulshada.

Banaan baxa ayaan wali cadeyn cida sida rasmiga ah abaabulkiisa u laheyd marka laga reebo in dowlada ay ku tuhmeyso in ay abaabulayaan Siyaasiyiin mucaarad ku ah sidoo kale maalgalineyso dowlada Imaaraadka.

Dowlada ayaa saakay heegan galisay ciidamada amaanka si ay u fashiliyaan banaan baxa laga cabsi qabay, waxaana wadooyinka magaalada Muqdisho lagu arkayay ciidamo badan oo amaanka xaqiijinayay.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale kicisay Culumaa’udiinka, Siyaasiyiinta iyo Waxagaradka taageersan, waxa ayna xubnahaasi olole banaan baxa ka dhan ah ka bilaabeen Warbaahinta .

Dowlada ayaa sidoo kale xeryaha barakacayaasha ee kuyaala magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda ku amartay in aysan banaan baxa ka qeyb qaadan karin, waxa ayna dowlada ka cabsi qabtay in barakacaaysha lacago lagu siiyo jilista banaan baxa.

Shacabka magaalada Muqdisho ayaa badankooda banaan baxa hadal heyntiisa kaliya kala socday Baraha bulshada iyo Warbaahinta, waxa ayna shacabka u muuqdeen kuwa aan xiligan diyaar u aheyn dhigista banaan baxyo rabshada abuura.

Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa lagu tilmaamay mid baraha bulshada ka warqaadata, waxaana dad badan layaab ku tilmaameen in dowlada dhan ay qal qal galiyaan dad yar oo baraha bulshada ka sheegay in banaan baxyo la dhigayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -